Duqa Muqdisho Oo Amaro kasoo Guryaha laga kireeyo Argagixisadda

0
316

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Amaro kasoo saaray guryaha laga kireeyo Kooxaha Argagixisada, Dadka la Macaamila Alshabaab iyo kuwa Awaamiirtooda qaata ee ku nool Gobolka Banaadir.

Mudane Madaale ayaa Sheegay in hada gacanta lagu haayo Shabakad Argagixiso Oo ka Dhisnaayeen Qaar kamida Degmooyinka Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa Ugu Baaqay Dadka leh Guryaha ee dadka kale ka kireynaya in ay Marka Hore dadkaasi iska hubiyaan oo ay Geeyaan Xarunta Degmada Si looga Hubiyo Wax ay yihiin.

Duqa Muqdisho ayaa Kaga Digay Dadka lacagaha siiya Al-Shabaab ee kunool Caasimadda ay kaga Digtoonaadaan Arintaasi.

Hay’adda NISA ayaa la wareegtay shan (5) guri oo ku kala yaalla Yaaqshiid, Heliwaa iyo xaafadda Oodweyne oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale gacanta hay’adda NISA ku jira shaqsiyaad loo heysto Argagixisanimo, Hub, Qaraxyo iyo gaadiid kala duwan ee la rabay in shacabka lagu dhibbaateeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here