Duqa Muqdisho Oo Sheegay in la Diiwaan-galin Doono Dadka Barakacayaasha ah ee kunool Caasimadda+Dhageyso

0
325

Waxaa Maalintii labaad Galay Shirweyne looga hadlaayo nidaamka casriga ah ee diiwaan-gelinta madaniga,taasi oo ay ka qeyb galayaan Maamul Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir.

Shirkaasi ayaa Waxaa Shalay Daah Furay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Somalia.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ( Madaale ) ayaa Goobta Furitaanka ka Sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar uu Diiwaangalin Doono Dhawaan Dadka Barakacayaasha ah ee ku Nool Caasimadda.

Mudane Madaale ayaa Sheegay in loo Baahan yahay in Nidaam Dadkaasi lagu ogaanayo la helo Taasi oo Maamulka ka Saacido Doono Ogaanshaha Tiradda Dadka Barakacayaasha ah.

Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ( Madaale ).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here