Duqa Muqdisho Oo ka Qeyb Galay Kulanka Culimada uga Socday Caasimadda+Sawiro

0
360

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Culimada Soomaaliyeed kala qeybgalay kulan cilmiyeedka labaad ee ku saabsan Tacliinta Culuumta Islaamka ee Soomaaliya oo muddo labo maalin ah ka socon doonna Muqdisho.

Kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen xarunta Cilmi baarista iyo daraasaadka ee MAQASID ayaa waxaa diirada lagu saarayaa Ahmiyadda Culuumta Islaamka, Ujeedooyinka Manaahijta iyo Caqabadaha ku gadaaman ee dalka Soomaaliya, iyadoona sidoo kale lagu soo bandhigayo buugaag ka hadlaya Cilmi baarisyo laga sameeyay Culuumka Islaamka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ku booriyay culimada Soomaaliyeed iyo Xarunta Cilmi baarista iyo Daraasaadka ee MAQASID doorka ay ka qaadanayaan sida loo xoojin lahaa Daaraaska Islaamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here