Duqa Muqdisho. ‘‘Hormuud waxa ay ka qayb qaadatay kobaca dhaqaalaha, Isgaarsiinta, dib-u-dhiska, Waxbarashada iyo shaqo Abuurka’’
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalay Munaasabad lagu xusaayay Sanadguuradda 20-aad ee Shirkadda Caalamiga ah Hormuud.
Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Hambaliyo u diray dhamaan Mas’uuliyiinta iyo Howlwadeenada Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud, isaga oo xusay doorka wanaagsan oo ay kasoo qaateen horumarinta Ganacsiga iyo Fursadaha shaqo abuur oo ay u sameeyeen kumanaan dhalinyaro Soomaali ah.
Waxa uu kula dar-daarmay in ay sii xoojiyaan dadaalada horumarineed ee kobaca dhaqaalaha, horumarinta Isgaarsiinta, ka qeybqaadashada dib-u-dhiska, Waxbarashada iyo shaqo Abuurka Bulshada Soomaaliyeed.













