Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay kulanka guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir oo looga hadlay horumarinta Caasimadda, amniga, dib-u-dhiska, dhaqaalaha iyo taageerada dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
Duqa Muqdisho ayaa warbixino ka dhageystay Guddoomiye ku-xigeenada maamulka Gobolka Banaadir, xoghayaha guud iyo taliyaha ciidanka Ilaalinta deegaanka Xamar, isaga oo faray in la dardar-geliyo shaqooyinka maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, si bulshada Caasimadda iyo kuwa Gobolka Banaadir ay u helaan adeeg hufan.














