Kooxda Barcelona ayaa heshiis la gaartay Vitor Roque oo u cayaara kooxda Athletico Paranaense ee ka dhisan waddanka Brazil, iyadoo weeraryahanka reer Brazil uu qarka u saaran yahay inuu ku biiro kooxda heysata horyaalka Spain, isagoo la filayo in uu la joogo illaa 2031, sida ay kooxdu ka dhawaajisay Arbacadii shalay.
Faahfaahinta muahaarkiisa si dhab ah looma shaacin, balse warbaahinta ayaa sheegaysa in Barca ay ogolaatay 40 milyan oo Yuuro ($ 44.07 milyan) iyadoo 21 milyan oo dheeri ah lagu kordhinayo ciyaaryahanka loo arko bedelka Robert Lewandowski oo 35-jir noqonaya bisha soo socota.
18-sano jirkan ayaa u dhaliyay Paranaense 22 gool – 66 kulan oo uu saftay, taasoo ka caawisay inay gaaraan finalka Copa Libertadores xilli ciyaareedkii hore.
Sidoo kale. Waxa uu u saftay kulankii ugu horeeyay ee xulka Brazil bishii Maarso ee 2023, isaga oo noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee abid u safta kooxda shanta jeer ku guuleysatay koobka adduunka.
“Marka la eego kubadda cagta, waa khabiir dhanka weerarka ah, welina wax uu kobcin ku wadaa xirfaddiisa. Haddii uu kooxda la qabsado waxa ay la macno noqonaysa in uu ka ciyaari karo garabka haddii baahi ay timaaddo,” ayaa laga soo xigtay Barcelona.
“Cayaaryahankan waa mid ay Barcelona baahi weyn u qabtay, waayo waa laacib aad u orod badan, xirfaddiisa kubadeedna ay aad u sarreyso,” ayaa mar kale lagu yiri qoraal kasoo baxay Barcelona.
Ugu dambeyn, Barcelona ayaa sheegtay in ay galisay heshiis lacag aad u badan si ay ugu guuleysato qandaraaska laacibkan reer Brazil.













