Guddoomiyaha deegaanka Garasbaaley ee gobolka Banaadir Nuur Xasan Cali ayaa ka warbixiyay dhagar-qabe saaka ay ciidamada deegaanku ku toogteen Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo ka tirsan deegaanka Garasbaaley.
Guddomiyaha ayaa sheegay in dhagarqabaha la toogtay uu isku dayay inuu dilo askari shaqo ku jiray, balse Alle idankii isagii la dilay.
“Dhagarqabahan, waxa uu ka mid ahaa kuwo badan oo dhibaato ku haya dadka deegaanka iyo ciidamada qaybahooda kala duwan, cid walba oo dbibaato waddana sidan oo kale ayaa u dambeyn doonta” ayuu yiri guddoomiye Nuur Xasan.
Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in dilka dhagarqqbahan ay shahay hawlgallo dhawaan laga sameeyay deegaanka, kuwaasoo lagu burburiyay sandaqado sharci-darro ahaa oo ku yaallay hareeraha wadda, kuwaasoo kooxaha isaga la midka ah ay ku dhuuman jireen marka ay dhibaato geystaan.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Garasbaaley ayaa ugu baaqay dhallinyarada la qalday inay ka fwejignaadaan beenta loo sheegay, kuwa aan ku lug lahaynna ay iska jiraan in loo sheego been aanay aakhiro iyo adduun wanaag ku helayn.













