Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee kooxaha Khawaarijta ah ay la beegsadeen shacabka Muqdisho, isagoona tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay falkaas, kuwa ku dhaawacmayna Allaha uga baryay caafimaad deg-deg ah.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in kooxaha khawaarijta uu hadafkooda koowaad yahay daadinta dhiigga iyo burburinta Hantida Shacabka Soomaaliyeed. Waxaa uuna ugu baaqay Shacabka in ay kaalintooda ka qaatan sidii loo caawin lahaa dadka ay dhibaatada kasoo gaartay dhacdadii Maanta, la iskuna gar-gaaro.