DAAWO: Guddoomiye Madaale oo shacabka Muqdisho uga jawaabay su’aalo kala duwan oo ay weydiiyeen: SAWIRRO

0
414

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qaybgalay kulan dood-furan ah oo uu uga jawaabayay bulshada Gobolka Banaadir su’aalo la xariira qorshaha horumarrinta Caasimadda iyo Siyaasadda u degsan Maamulka Gobolka Banaadir,

Doodan waxaa Duqa Muqdisho ku wehlinaye guddoomiye ku-xigeenka amniga Iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Macallin Mahdi.

Su’aalihii uu Duqa Muqdisho uga jawaabay kulanka furan waxaa ugu waaweynaa diiwaan-gelinta iyo lambareynta Bajaajta iyo dagaalka ka dhanka ah Maandooriyaha, waxa uuna guddoomiyuhu sheegay in dhammaantood ay yihiin kuwo salka ku haya amniga shacabka ku nool Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Ugu dambeyn, Kulankan doodda ah waxaa looga hadlay arrima ay ka mid yihiin, sugidda amniga, dib-u-casriyeynta goobaha biya-mareennada ah (Sewage System), nidaaminta Moota Bajaajta, nadaafadda, shaqa-abuurka dhallinyarada xal-u-helidda barakacyaasha, maqaamka Caasimadda, dib-u-dhiska waddooyinka Muqdisho iyo goobaha danta guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here