Duqa Muqdisho Oo Aqalka D/Hoose kula Kulmay Wasiirka Haweenka XFS+Sawiro

0
8

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan sidii Haweenka ay qeyb uga noqon lahaayeen xoojinta Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada la qaatay Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee XFS Marwo Khadiija Maxamed Diiriye.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, ayaa ugu horeyn lagu bogaadiyay Howlgalada dib u xoreynta ah oo ay Ciidamada Qalabka Sida oo kaashanaya Bulshada Deegaanka ka wadaan Gobolada Dalka kaas lagu cirib tiraayo Argagixisada, sidoo kale kulankan ayaa looga hadlay sidii gargaar loo gaar siin lahaa dadka Barakacayaasha ah ee ku nool Degmooyinka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here