Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa goobjoog ka ahaa daminta dab xooggan oo xalay ka kacay gudaha suuqa Bakaaraha, kaasoo baabi’iyay hanti fara badan.
Gaadiidka dabdamiska Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ku guuleystay daminta dabka, waxaana la sheegay in dabkan uu ka kacay koronto, inkastoo aan la shaacin khasaaraha rasmiga ee uu dabkaan geystay, balse ma jirto waxyeello nafeed oo uu sababay.
Dadaalka dabkan lagu daminayay ayaa waxaa ka qaybqaatay guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, waxaana amniga suuqa sugayay intii hawshu socotay ciidamada dowladda.
“Dabdamiska gobolka Banaadir iyo kuwa Hormuud oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay daminta dabka intiisa badan. Waxaana wax lagu farxo ah arrin aan horay u dhicin ah in dhammaan guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ay gurmadka ka qaybqaateen,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Hawlwadaag Bashiir Cabdi Maxamed oo u warramay C/naasir Xersi Iidle.
DHAGEYSO WAREYSIGA GUDDOOMIYAHA UU SIIYAY IDAACADDA CODKA CAASIMADDA:
Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Warta Nabadda Saynab Xaabsay oo warbaahinta si kooban ula hadashay ayaa sheegtay inaysan jirin waxyeello nafeed oo uu dabka geystay, iyadoo xustay in si weyn loogu soo gurmaday ganacsatadii hantidu ka gubtay.
Ugu dambeyn, xaaladdu haatan waa mid deggen, waxaana goobta ay musiibadu ka dhacday ku sugan dadweyne fara badan si ay u eegaan waxyaalladii uu dabka geystay.














