Agaasimayaal ka tirsan Maamulka G/Banaadir oo Turkiga kaga Qayb-galay Madasha Beeraha Adduunka: SAWIRRO

0
156

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigalinta Maamulka Gobolka Banaadir, Mduane Cabdicasiis Cismaan Maxamed iyo agaasimaha xiriirka dibadda iyo hay’adaha caalamiga, Mudane Maxamed Xasan ayaa magaalada Samsun ee dalka Turkiya ugu qayb-galaya madasha beeraha dunida.

Madashan ayaa diiradda lagu saarayaa sida ugu habboon ee loo kordhin karo wax soo saarka beeraha, loona horumariyo dadka iyo hay’adaha ay quseyso, isla markaana loogu faa’ideysto magaalooyinka, si loo dhiirri-geliyo beeraleyda.

Ugu dambeyn, Madashan oo ay ka qayb-galayan dowladdo fara badan iyo daneeyayaasha horumarinta beeraleyda ayaa lagu wadaa in lasoo gaba-gabeeyo 20-ka bisha July ee sanadkan 2023-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here