Beesha Caalamka oo war kasoo saartay dadaallada socda

0
244

Mogadishu – Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa war-saxaafadeed ay soo daareen kusoo dhaweeyay dadaallada ay wadaan madaxda Soomaaliya si loo hormariyo arrimaha mudnaanta leh ee ku saabsan nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda oo ay ku jiraan shirarka joogtada ah ee Golaha Wadatashiga Qaranka.

“Waxa aan si gaar ah u soo dhaweynaynaa dadaalka soo cusboonaaday ee diiradda lagu saarayo geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, kheyraad-wadaagga iyo awood-qeybsiga federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, kuwaas oo dhammaantood muhiim u ah xaqiijinta xasilloonida muddada fog ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Waxa ay hadalkooda ku dareen; “Waxa aan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya in ay si wax ku ool ah uga qayb qaataan dadaalladan oo wixii khilaaf ah ee jirana lagu xalliyo wadahadal iyo wadatashi.”

Ugu dambeyn, saaxiibbada beesha caalamku waxay sheegeen inay ka go’an tahay in Soomaaliya ay ka taageeraan sidii ay ku gaari lahayd arrimaha hortabinta u leh dowlad-dhisidda oo aasaas u ah Soomaaliya loo dhan yahay, barwaaqo ah oo nabad ah.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Uganda, Jabuuti, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here