Guddoomiye Amiir oo Guddoomiyay Shir looga hadlay Shaqooyinka Waaxda Hawlaha Guud ay ka wadaan Muqdiaho: SAWIRRO

0
37

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay shir loogu hadlayay shaqooyinka waaxda hawlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir ay ka wadaan magaalada Muqdisho iyo qorshaha mashruuca Nagaad ee dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo biyo-mareenada caasimadda.

Guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa ka warbixiyay daraasadaha laga sameeyay biyo-mareenada caasimadda iyo qorshaha xalka waara loogu raadinaayo, iyadaoo mashruuc Nagaad ee horumarinta kaabayaasha lagu dhisi doonno waddooyin dhowr ah iyo biyo-mareenada caasimadda.

Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay hawl-wadeenada waaxda hawlaha guud iyo mashruuca Nagaad in la dar-dargeliyo qorshayaasha wax loogu qabanaayo arrimaha biyo-mareenada iyo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, taasoo hortabin u leh caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here