Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka Qayb-gaay Madasha Aragti Wadaagga ee Saameynta Been-abuurka uu ku leeyahay Nabadda: SAWIRRO

0
234

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay madasha aragti wadaagga saameynta been abuurka iyo kicinta colaadaha ay ku leeyihiin nabadda iyo xasilloonida oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay ka hortagga been-abuurka iyo kicinta bulshada, taas oo dhibaato ku ah nabadda iyo xasilloonida, waxa uuna xusay in dunida ay saameyn xooggan ku yeelatay dhibaatooyinka baraha bulshada, balse ay dowladaha waaweyn xakameeyeen, loona baahan yahay in mas’uuliyad la iska saaro xakameynta iyo ka hortagga kicinta bulshada, been-abuurka iyo wax weliba oo ka hor imaanaya anshaxa, qiyamka iyo diinteenna suuban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here