Taliye cusub oo loo Magacaabay Taliska Booliiska Soomaaliyeed

0
464

Taliyaha cusub ee booliiska Soomaliya ayaa loo magacaabay Jeneraal Sulub Axmed Fidhin, iyadoo xilka laga qaaday taliyihii hore ee booliiska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho ku go’aamiyay in xilka loo magacaabo Jen. Fidhin.

Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa xilka Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed loo magacaabay 2019-kii.

Taliyaha cusub ee booliiska Soomaaliya ayaa hadda ah wasiir ku xigeen, waxaana tallaabadan ay imaanaysaa iyadoo ay socdaan qorshayaal lagu xoojinayo amniga caasimadda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here