Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa xarigga ka jaray waddo Interlock ah oo laga hirgeliyay inta u dhaxeysa waddada 30-ka illaa waddada wadnaha (Suuqa Xararyaale) ee degmada Warta Nabadda.
Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, marwo Seynab Maxamuud Warsame [Xaabsey] ayaa sheegtay in maamulka degmada oo kaashanaya bulshadiisa ay u suura-gashay inay hirgeliyaan waddadan, iyada oo xustay inay sii wadi doonaan isku tashiga bulsho ee lagu horumarinayo kaabayaasha isku socodka degmada Warta Nabadda.
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ku amaanay maamulka iyo shacabka ku nool degmada Warta Nabadda sida ay ugu qayb-qaadanayaan horumarka iyo dib-u-dhiska caasimadda, taas oo qeyb ka ah buu yiri barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doollar.











































