Guddoomiye Yabooh oo ka qeyb galay shirka wadatashiga wax ka beddelka cutubyada hore ee Dastuurka: SAWIRRO

0
233

Shirka la-tashiga hay’adaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, gobolka Banaadir iyo maamullada kale, ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, Waxana looga tashanayaa soo jeedinta wax ka bedelka cutubyada 1-aad illaa 4-aad ee dastuurka.

Kulanka waxa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee aqalka sare, guddiyada ee dastuurka labada aqal, wakiillo ka socda maamul goboleedyada, gobolka Banaaadir iyo SSC Khaatumo.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda mamaulka gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo kulanka furay ayaa bogaadiyey wasaaradda cadaaladda iyo dastuurka, hay’adaha ka shaqeeya dastuurka iyo wakiillada dowlad goboleedyada ee madasha jooga.

Yabooh ayaa xusay in shaqo wanaagsan laga hayo wax ka bedelka dastuurka, iyada oo ay caqabado badani ku gudban yihiin, waxa uuna soo dhaweeyey ra’yi ururinta socota oo halkan loo joogo.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay in marka shirku dhamaado uu maamulka gobolka Banaadir martiqaad casha sharaf ah u sameynayo madaxda iyo ka qayb-galayaasha shirka, taas oo aad loo soo dhaweeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here