Golaha Wasiirrada Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay shir deg deg ah ,ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane Mahad Maxamed Salaad.
Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan iyo Agaasimaha Hay’adda NISA.
Ugu dambeyn, Golaha wasiirrada ayaa uga mahad-celiyey agaasimihii hore ee hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) muddadii uu xilka hayay shaqadii uu Qaranka u soo qabtay.













