Doon siday maandooriye oo ay ciidanka Boolisku ku qabteen xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.
Doonidaan ayaa wadey mandooriye kala duwan oo xashiish u badan
Doonta ayaa la sheegay in ay ka soo shiraacatay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, waxayna noqoneysaa tii ugu horreysey ee nooceeda ah oo lagu qabto xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Hawlgalkan oo dhacay xilli habeen ah ayaa waxa uu ku soo dhamaaday si nabadgelyo ah, waxaana hogaaminayey taliyaha qeybta guud ee booliiska gobolka Banaadir Gaashaanale Sare Farxaan Qaroole.
Hawlgalkan ayaa daba socdey howlagalli labadii maalmood ee ina dhaafay ka socday magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka Kaaraana iyo Boondheere oo lagu soo qabtay goobo si qarsoodi ah loogu iibin jiray maandooriyaha noocyadiisa kala duwan sida Qamriga, Calaqa iyo xashiishka, kuwaas oo meel fagaare ah lagu gubey.













