Tartanka Qur’aanka Kariimka ee Maamul-goboleedyada dalka iyo maanulka Gobolka Banaadir ayaa lagu soo gunaanaday magalaada Muqdisho, waxaana ka qayb-galay xubno ka socday maamullada dalka iyo gobolka Banaadir. Waxaana xiritaankii tartanka goobjoog ka ahaa agaasimaha Awqaafta iyo arrimaha diinta ee maamulka gobolka Banaadir, Sheekh Cabdullaahi Axmed Garruun.
Tartankan oo dhaqaalaha uu sanadkii 2-aad bixinayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, mudane Xasan Sheekh maxamuud ayaa waxaa lagu tartamayay 30-ka jus ee Qur’aanka Kariimka, waxaana kaalinta koowaad galay, Mujiiburamaan Maxamed Cabdullaahi oo ka mid ahaa ka ardaydii ka qayb-galay tartanka, waxa uuna ka socday gobolka Banaadir, isaga oo abaalmarin u helaya; 20,000 oo doollar.
Guuleystayaashii kaalimaha kale galay waxa ay kala ahaayeen sidan;
Kaalinta 2-aad; Yuusuf Xasan Cusmaan oo ka socday HirShabelle.
Kaalinta 3-aad; Xuseen xasan Nuur oo ka socday Koonfur-galbeed.
Kaalinta 4-aad; Sadiiq Maxamed Cali oo ka socday Galmudug.
Kaalinta 5-aad; Faaduma Jamaac Xaashi oo ka socday Jubbaland.
Kaalinta 6-aad; Maxamed Haaruun Maxamuud oo ka socday Jubbaland iyo
Kaalinta 7-aad;. Ikraam C/kariim Xasan oo ka socday Gobolka Banaadir.
Guuleystaha kaalinta koowaad ka galay tartankan ayaa horay kaalinta 1-aad uga galay tartankii Qur’aanka Kariima ee Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir oo isna dhawaan lagu qabtay Muqdisho.
Ugu dambeyn, Tartanka waxaa la qabtaa sanad walba marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadaan, waxa uuna tartankan ku dhiirri-gelinayaa ardayda Soomaaliyeed inay dadaal ku bixiyaan sidii ay u xifdin lahaayeen Qur’aanka Kariimka.













