Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XF Somalia oo Dhagax-dhigay Dhismaha Xarunta Laanta Socotada Ciidanka Booliiska: SAWIRRO

0
9

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Somalia, mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta Laanta socotada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo laga hirgaliyey Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa tilmaamay in xaruntan ay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u qaban jirtay hawlo muhiim ah oo ay kamid yihiin dhinacyada wacyi galinta, iska warqabka ciidanka, ka hortaga rabshadaha iyo howlagallada deg-deg ah, iyada oo hadana dib u dhis balaadhan lagu samayn doono, si ay kor ugu qaado shaqada Laanta socotada ee Ciidanka Booliska.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ku weheliyey Wasiirka Amniga Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here