Mareykanka oo sheegay inay dileen mid ka mid ah hoggaamiye sare ee argagaxisada Soonaaliya

0
296

War-saxaafadeed maanta kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradeed oo buuraleyda gobolka Bari ee Soonaaliya ay ku dileen Bilaal-al-Sudani oo ahaaa hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

Maraykanka ayaa sheegay in Al-Sudani ay la dhinteen toban kale oo kooxda ka tirsanaa, waxaana warmurtiyeedka lagu xusay in weerarkan uu dhacay Khamiistii shalay.

“Maraykanku waxaa uu doonayey inuu qabto horjooge Bilaal balse maleeshiyaadka la joogay ayaa sameeyay falcelin,” ayaa warsaxaafadeedka lagu yiri.

Halwgalkaan ayay dowladda Mareykanku sheegtay in aysan dad shacab ah waxyeelo ka soo gaarin, ciidankoodana aysan jirin waxyeello kasoo gaarin iska caabinta Khawaarijta.

Xoghayaha difaaca Mareykanka, Lloyd J. Austin ayaa qoraal uu soo saaray oo uu kaga hadlayay hawlgalka Soomaaliya ayuu ku xusay in tallaabadan ay ku dhaqaaqeen ciidamada cirka ay muujineyso sida Mareykanka ay uga go’an tahay ilaalinta khatarta argagixisada ee gudaha iyo dibaddaba.

Gabagabadii, Shabakadda caalamiga ah Al-Sudani waxa ay mas’uul ka ahayd kobcinta joogitaanka sii kordhaya ee ISIS-ta Afrika iyo maalgelinta hawlgallada argagaxisada ah ee adduunka oo ay ku jirto Afgaanistaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here