SAWIRRO: Ganacsatada Bakaaraha oo ka hadlay Is-beddelka Xaaladaha Amni ee Suuqaas

0
333

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in xilligan ay dareemayaan nabad ka wanaagsan middii ay horay u haysteen, iyagoo xusay in habeenkii 9:00 illaa 10:00 habeennimo ay ganacsiyadu furan yihiin.

Qaar ka mid ah ganacsatada Suuqan ayaa u sheegay warbaahinta inay ka raysteen handadaadii kaga iman jirtay Alshabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan, sidoo kalena aan haatan laga qaadin lacago baad ah, taasoo ay sheegeen inay si joogto ah uga qaadi jireen Khawaarijta.

“Xaaladda Amni ee Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn Soomaaliya, waa mid aad u wanagsan. Fiidadkii ayuu ganacsigu gaaraan, halka xilliyadii hore la xiri jiray maqribkii,” ayay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah ganacsatada suuqa.

Sidoo kale, Ganacstada ayaa sheegay in sababta amniga Bakaaraha sare u qaaday ay tahay ciidamo badan oo gudaha iyo daafaha suuqa lagu soo daadiyay, kuwaas oo sahlay sida ay ganacsatadu sheegeen inay yaraadaan dilalkìi iyo amni-darradii suuqaas ka jiri jirtay.

“Ciidamo fsra badan ayaa suuqa ku sugan, ma jirto cid dhibaato geysan karta. Hadda, Khawaarijtu baad nagama qaaddo, waxaan bixinnaa oo keliya lacagta canshuurta ee uu noo asteeyay maamulka Gobolka Banaadir, waanan ku faraxsannahay in Alshabaab aysan baaddii hore naga qaadi karin hadda,” ayay warbaahinta u sheegtay haweeney ganacsi weyn ku haysaya Suuqa Bakaaraha.

Sidoo kale, waxaa warbaahinta la hadlay oday ganacsatada Suuqa ka mid ah, isagoo sheegay in tan iyo markii amaanka suuqa la adkeeyay ay dareemayaan farxad iyo rayn-rayn, ayna si nabadgalyo ah ay habeen iyo maalin ugu ganacsadaan.

Ugu dambeyn, Hadalka ganacstada Suuqa Bakaaraha ayaa imaanaya iyadoo qaybo badan oo suuqaas ka mid ay saldhigyo ka sameysteen ciidamada loogu talo-galay xasilinta Caasimadda, sidoo kale, suuqa ayaa waxaa jooga ciidamo dhar cad ah oo sugaya amniga guud ee suuqa oo horay loo cabsan jiray, dad badanna lagu dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here