Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kusoo dhaweeyay xubno ka socda Bulshada Bariga Afrika (East African Community) oo maalmahaan Muqdisho u joogay hawlo shaqa.
Munaasabaddan soo dhaweynta ah waxaa goobjoog ka ahaa wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka Gobolka Banaadir iyo masโuuliyiin kale.
Xubnahan sare ee Aqalka Dowladda Hoose lagu soo dhaweeyay ayaa mudda toddobaad ah Muqdisho u joogay si ay u qiimeeyaan u diyaargarowga in Soomaaliya ay ku biirto Bulshada Bariga Afrika oo ku mideysan yihiin dalalka Kenya, Uganda, Tanzania, DR Congo, Rwanda, Burundi iyo South Sudan.
Madaxa xafiiska ururka bulshada Bariga Afrka Mrs. Tiri Marie Rose oo munaasabadda ka hadashay ayaa si weyn ugu mahadcelisay soo dhaweynta Aqalka Dowladda Hoose loogu sameeyay iyada iyo wafdigeeda, iyadoo rajo weyn ka muujisay ku biiritaanka Soomaaliya ee ururka EAC oo ay ku mideysan yihiin dalalka Kenya, Uganda, Tanzania, DR Congo, Rwanda, Burundi iyo South Sudan.
Ergeyga Soomaaliya u qaabilsan Ururka EAC Danjire Cabdisalaan Hadliye iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Jaamac (Haruuse) oo dhankooda ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in wafdiga EAC oo muddo ku dhaw labo isbuuc ku sugnaa Muqdisho ayna wax badan qiimeyn ku sameeyeen, iyagoo xusay in ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka EAC wax badan kusoo kordhin doonno suuqa ganacsiga dalalka Geeska Afrika.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo gaba-gabadii Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ku faraxsan yihiin marti-gelinta wafdiga Ururka EAC si ay u arkaan horumarrada iyo kobaca dhaqaale ee ka jira guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan caasimadda Muqdisho oo uu ku yaallo suuqa ugu weyn Bariga Afrika ee Bakaaraha.
Sidoo kale Duqa Muqdisho waxa uu xusay in wafdiga muddada ku dhaw labada isbuuc oo ay joogeen Xamar ay arkeen wax badan oo sahli kara in Soomaaliya ay ku biirto EAC, wuxuuuna rajeeyay in qiimeynta la sameeyay ay noqon doonto mid buuxisa shuruudaha la doonayay.
Ugu dambeyn, Xarunta Aqlka Hoose ee Xamar ayaa lagu soo bandhigay waxyaaba ka turjumaya dhaqanka suubban ee Soomaalida, gaar ahaan Aqal Soomaaliga, dharka hiddaha iyo dhaqanka, cayaara dhaqmeed iyo cuntooyinka waddaniga ah ee uu dalkeenna hodanka ku yahay.ย 
















