Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia, mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland, mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne ku xigeennada, xubnaha Xukuumadda Jubbaland iyo boqolaal ka mid ah bulshada deegaanka.
Socdaalka Madaxweynaha Somalia ayaa ku salaysan dhammaystirka xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, horumarinta hannaanka Federaaleynta iyo u kuur gelidda xalaadda nololeed ee reer Jubbaland.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxa uu kulamo la yeelandoonaa Madaxda Dowlad goboleedka Jubaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo dhagaysandoona talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska, ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka iyo horumarka dalka.































