Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbaddiisii jimcaha kaga hadlay hawlgallada ay ciidamada dowladda Soomaaliya dalka uga xoreynayaan Khawaarijta Al-shabaab ,doorka culummada iyo la dagaallanka masuqmaasuqa.
Mudane Xamsa ayaa sheegay in culummada Soomaaliyeed ay cadeeyeen in nimankaas cadowga ah ee dalka iyo dadka dhibaateeyay lala dagaallamo lagana ciribtiro guud ahaan dalka si loo helo nabad iyo kala dambeyn waarta.
“Waxyaabaha ay aadka ugu hadleen waxaa ka mid ah in nimankaas cadowga ah ee aan ka dhaqaaqi la’nahay lala dagaallamo oo sidii dowladda ay u jideysay oo ah ciidana ahaan loola dagaallamo, dhinaca dhaqaalaha iyo fikirkana lagala dagaallamo, culummada aad bay uga hadleen arrimahaan, wayna ku mahadsan yihiin,” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha JFS.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag kaga hadlay cadaaladda iyo la dagaallanka Musuqmaasuqa, wuxuuna sheegay in musuqmaasuqa uu yahay cudur xun oo ku dhaca dowladnimada.
“Marka laga hadlo masuqmaasuq dadka waxay u yaqaan qofka xukunka ama dowladda jooga kaliya inuu wax masuqmaasuqa, ma oga inuu guriga kasoo billowdo, ma oga iskuulka inuu ka jiro, jaamacadaha, dukaamada inuu ka jiro, masuqmaasuqa Soomaaliya waa mehradeedii, meesha ay ka imaanayso dhubaatadoo dhan inay gunta tahay ma oga,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamsa.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo masuqmaasuqa oo labada ka mid ah cudurrada ugu xun ee ku dhaca dowladnimada, waxayna caqabad ku yihiin horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.













