Taliska Qeybta Booliiska Gobolka Banaadir oo ka digay Qabashada Dibad-baxyo aan Sharciyad loo haysan

0
611

Taliska Qaybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir ayaa qoraal uu saaray ku sheegay in aan Muqdisho lagu qaban karin bannaanbax aan loo marin habraaca saxan, ciddii lagu helna lala tiigsan doono sharciga.

“Dadweynaha Soomaaliyeedee ku dhaqan Caasimada iyo nawaaxigeeda, waxaa lagu wargalinayaa, sababo amaan dartood, in aan la abaabuli karin, lana qaban karin bannaanbax aan loo marin habraac saxan, sida ku cad xeerka nabadgalyada guud ee dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay taliska booliiska Gobolka Banaadir

Sidoo kale, Bayaanka ayaa lagu yir: “Ciddii ku kacda ama lagu helo iyada oo abaabulaysa waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan.”

Amarkan ayaa yimid kaddib dibadbaxyo rabshado wata oo toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasoo lagu burburiyay hanti dadweyne, waxaana dibadbaxaas uu saameeyay ganacsiga iyo isku socodka xaafado ku yaalla qaar ka mid ah degmooyinka Caasimadda.

Ugu dambeyn, Taliska Booliiska Gobolka ayaa qoraalkiisa ku xusay in qofkii arka wax amniga iyo xasilloonida liddi ku ah ay kala xiriiri karaan booliiska lambarka 991.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here