Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan ururka bulshada bariga Afrika, Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa sheegtay in sanadkan lagu jiro ee 2023 ay Soomaliya ay ka mid noqon doonto isbahaysiga la magac baxay ururka bulshada Bariga Afrika.
Ergayga oo ka hadlay xaflad sagootin ah oo loo sameeyo guddi ka socda ururkaasi oo maalmahaan Muqdisho u joogay sahan la xiriiray qaabka Soomaaliya ay uga qaybgali karto ururka EAC ayaa bulshada la wadaagay faa’iidada Soomaaliya ugu jira ka mid noqoshada is ururka bulshada Bariga Afrika.
Wasiir-u-dowlaha wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa sidoo kale ka hadlay xafladdii sagootinta wafdigan oo ka kooban 40 xubnood oo kana socday dalalaka: Kenya, Ugandha, Tanzania, Rwanda , Burundi, DR Congo iyo South Sudan, kuwaas oo muddo 12 cisho ah oo ay joogaan dalka la kulmay hay’adaha dowladda iyo ururrada bulshada.
Qodobbada aasaaska u ah ururka bulshada Bariga Afrika waxaa ka mid ah mideynta canshuuraha xuduudaha, suuq wadaag, mideynta lacagaha iyo mideynta siyaasadda, balse xilligan wafdiga ka socda ururka waxay qiimeynayaan sidii loo heli lahaa suuq wadaag ah iyo mideynta canshuuraha.
Ugu dambeyn, Ganacsatada Soomaaliya ee ka xoogsada dalalka Geeska Afrika ayaa la filayaa in ka mid noqoshada Soomaaliya ee ururka EAC ay ka faa’iIdayaan wax badsn oo ay ku jiraan badbaadinta naftooda iyo ganacsigooda.













