DAAWO: Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay ballanqaadna sameeyay: SAWIRRO

0
322

Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jen. Sulub Axmed Firin ayaa maanta si rasmi ah ugala wareegay taliyihii hore ee booliska Jen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), isagoo ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono wax ka qabashada baahiyaha ka jira gudaha hay’ada booliiska, si awood badan uu u yeesho booliiska Soomaaliyeed.

Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay Dugsiga Sare ee Booliska ee Janeraal Kaahiye ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku uga mahad celiyey Taliyihii hore shaqadii uu dalka u soo qabtay muddadii uu hoggaaminayey Booliska oo gaaray guulo wax ku ool ah.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in xilligan muhiimka ah ee dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah ay ciidanka booliska Soomaaliyeed kaalin weyn kaga jiraan howlgallada socda. isla markaana ay gacanta ku hayaan xasillinta dhammaan deegaannadii la xoreeyey.

Mudane Saalax ayaa xusay in ciidanka Booliisku uu yahay hooyada ciidamada kala duwan ee Qaranka, waxuuna ku booriyey hoggaanka cusub in looga fadhiyo xaqiijinta amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka, iyagoo qeyb ka ah barnaamijka xasillinta Xukuumadda Dan-Qaran ay u qorsheysay deegaannada la xoreeyey.

Munaasabadda ay xilka kula kala wareegayeen Taliyaha cusub ee Ciidanka Soomaaliyeed iyo Taliyihii hore ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xildhibaanno, Saraakiil iyo marti sharaf kale.

Toddobaad ka hor ayaa taliyaha cusub ee booliiska loo magacaabay xilka, waxaana taliyaha uu beddelayo uu xilka hayay tan iyo sanadkii 2019-kii.

Ugu dambeyn, Toddobaad ka hor ayaa taliyaha cusub ee booliiska loo magacaabay xilka, waxaana taliyaha uu beddelayo uu xilka hayay tan iyo sanadkii 2019-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here