Madaxweyne Xasan oo kulan gaar ah kula qaatay Madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkaas William Ruto: SAWIRRO

0
215

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay qasriga madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkaas, mudane William Ruto.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, adkeynta xiriirka dublamaasiyadeed ee labada dal, shirka Qaramada Midoobay ee isbeddelka cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gellinkii dambe ee maanta gaaray xarunka dalka ee Nairobi, halkaasoo si diirran loogu soo dhaweeyay, waxaana uu inta uu joogo Nairobi uu kulammo la qaadan doonaa madaxda shirka ka qaybgalaya qaarkood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here