Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay maanta buundo loogu tala-galay fududeynta isku socodka dadweynaha isticmaala waddada dheer ee xaafadda Buulo Xuubey, gaar ahaan ardeyda wax ka barta dugsiga Jabuuti ee degmada Wadajir.
Dhagax-dhigga buundada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka hawlaha guud ee gobolka Banaadir Mudane Xasan Jimcaale iyo guddoomiyaha degmada Wadajir Mudane Axmed Cabdulle, iyadoo noqonayso markii ugu horreysay oo buundo noocan oo loogu tala-galay fududeynta isku socodka dadweynaha laga hirgeliyo degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Duqa Muqdisho ayaa xusay in maamulkiisa ay ka go’an tahay dib-u-dhiska Caasimadda iyo sidii loo fududeyn lahaa isku socodka dadweynaha iyo gawaarida isticmaala waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo qorshaha maamulka uu ku jiro sidii loo dhisi lahaa buundooyin hor leh oo ku cusub magaalada iyo dib-u-dayactirka kuwii horay u jiray.















