Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) ayaa shir-guddoomiyay kulanka degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlay dardar-galinta horumarinta Caasimadda kaas oo ka dhacay xarunta degmada Shangaani.
Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa taliyaha ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar D.H.X, saraakiisha ciidanka amniga, agaasimayaal iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka.
Inta uu kulanku socday waxaa diiradda lagu saaray fulinta amarkii uu dhawaan soo saaray guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ee la xariiray in tallaabo adag laga qaado xoolaha lagu soo fasaxo magaalada, kuwaas oo caqabad ku ah bilicda Caasimadda.
Ugu dambeyn, guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) ayaa faray madaxdii iyo saraakiishii kulankan ku sugnayd in la xoojiyo howlaha lagu horumarinayo amniga, nadaafadda, kobaca dhaqaalaha iyo hoos u daadajinta adeegyada bulshada.















