Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah u soo gunaanadday heshiiska laacibka Argentina u dhashay ee Alexis Mac Allister, kaasoo maray tijaabada caafimaadka, waxaana uu u saxeexay qandaraas socon doona illaa sannadka 2028-ka.
Naadiga Liverpool, ayaa kaliya bixin doonta 35-milyan oo Gini, waxaana la sheegay in uu mushaharkiisa toddobaadlaha ah noqon doono £150,000 Gini.
Saxaafadda Britain ayaa amaantay Mac Allister iyo qiimaha ay Liverpool ku heshay, waxa ayna ku tilmaameen in saxiixiixiisa ay keentay dhoollatus uu laacibkan ka sameeyey garoomada xilli ciyaareedkii hore, waxa kaloo lagu tilmaamay in uu yahay cayaaryahan da’yar, lacagta lagu iibsadayna ay tahay mid aad u yar.
Sidoo kale, Waxaa la is-barbar-dhigay xiddiga Chelsea ee Enzo Fernandez oo bishii Jannaayo ay Blues kusoo iibsatay 106.8 milyan oo Gini, iyadoo labadooduba xulka Argentina ay uga ciyaarayeen khadka dhexe Koobkii Adduunka.
Cayaaryahan, Mac Allister ayaa tijaabada caafimaadka ku maray garoonka Liverpool ay ku tababaro ee AXA, waxaana heshiiska si rasmi ah loo shaacin doontaa 17 June, 2023, maalintaas oo uu xirmayo suuqa kala iibka ciyaartoyda ee gudaha dalka Ingiriiska.
Ugu dambeyn, Allister ayaa u soo ciyaaray kooxda Brighton 112 kulan tan iyo markii uu ku biiray kooxdaas 2019-kii, waxa uuna u dhaliyey 20 gool.