Waaxda Gurmadka Deg-degga ah ee Dowladda Hoose oo ku guuleystay daminta dab ka kacay Maqaayad ku taalla Tre Piano: SAWIRRO

0
348

Waaxda Gurmadka Deg-degga ah, gaar ahaan dab-damiska ayaa ku guuleysatay daminta dab ka kacay maqaayad ku taalla Tre Piano, waxaana dabkan uu ku fiday madbacad daris la ahayd maqaayadda.

Dabkan ayaa khasaaraha uu geystay lagu sheegay mid hantiyeed, iyada oo aysan jirin wax khasaare nafeed ah oo uu dhaliyay, iyada oo aysan islahayn baaxadda dabka iyo khasaaraha uu geystay.

Mas’uuliyiin ka tirsan waaxda la dagaasha dabka ee Dowladda Hoose ee Xamar ayaa warbaahinta u sheegay in markii lagu soo wargeliyay dabka ay soo gurmadeen, iyaga oo sheegay inay ku guuleysteen daminta dabka.

Ugu dambeyn, Waaxda Gurmadka deg-degga ah ee Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ku guuleystay dab sidan oo kale uga kacay goobo ku yaalla degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here