Kulan Iskaashi ah oo dhexmaray Midowga Yurub iyo Maamulka G/Banaadir

0
110

Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Bananadir Md Xiireey Axmed Rooble uu wehlinayo Agaaismaha Qorshaynta Md C/Qaadir M Axmed (Dalxa) ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socday Midoowga Yurub ee Soomaaliya.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa xoojita iskaashiga ka dhexeeya xafiiska Midowyda Yurub ee Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Bananadir, gaar ahaan fulinta barnaamijyada Horumarineed oo ay taageerto Midowga Yurub.

Madaxa Barnaamijyada EU da Soomaaliya Mr Vicente ayaa si diiran u soo dheeweeyay wafdiga Gobolka. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay iskaashiga EU iyo Maamulka Gobolka Bananadir gaar ahaan fulinta barnaamijyada Horumarineed oo ay taageerto midowga Yurub.

Labada dhinac ayaa ku balamay In ay sii xoojiyaan wadashaqaynta iyo iskaashiga si taageerada EU da ee Muqdisho si wax-tar leh loo faa’iideesto kuna jirto danta muwaadiniinta Caasimadda lana waafajiyo hiigsiga Maamulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here