Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed Cumar-Filish ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayay dardar gelinta amniga caasimadda.
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir gudoominayay kulanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhamaan mas’uuliyiinka hay’adaha amaanka, si loogu diyaar garoobo doorashooyinka.
Mr. Rooble ayaa faray hey’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir in la dardargeliyo sugidda amniga maadaama dalka u diyaargaroobayo doorasho.














