Duqa Muqdisho oo Xarigga ka jaray xarunta Maamulka Deegaanka Gubadleey oo si casri ah loo dhisay: SAWIRRO

0
162

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarigga ka jaray dhismaha xarunta deegaanka Gubadleey ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa goob-joog ka ahaa xildhibaanno ka tirsan BFS, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka bobolka Banaadir, odayaal dhaqan, siyaasiyiin, haween, dhalinyarada iyo bulshada deegaanka Gubadleey.

Sidoo kale, Guddoomiye Madaale ayaa kulan afur ah la qaatay maamulka iyo bulshada deegaanka Gubadleey, wuxuuna dhageystay horumarrada deegaanka ka jira, baahiyaha ay qabaan iyo guulaha laga gaaray amniga.

Duqa Caasimadda oo ka jeediyay goobta khudbad dhinacyo badan taabaneesay ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay ka go’an tahay sidii deegaanka loogu dhameystiri lahaa adeegayada bulshada, si loo gaarsiiyo degmo ay adeegyadeeda u dhan yihiin.

Ugu dambeyn, Waxa uu ka mahad-celiyay wada-shaqeynta iyo isku duubnida ka dhaxeysa maamulka deegaanka, qaybaha bulshada iyo laamaha amniga, taas oo deegaanka u horseedday in uu yahay mid amnigiisu wanaagsan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here