Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa kulan la qaatay dhammaan agaasimaha guud ee maaliyadda, agaasime waaxeedyada iyo waaxyada kala gedisan ee dakhliyada Gobolka Banaadir.
Kulankan ayaa lagu gorfeeyay halka ay mareyso xaaladda dakhli-arurinta gobolka, iyadoo hal-beeggu ahaa misaaniyada sannadka. Waxaa kale oo lagu wadaagay kulankan caqabadaha jira ee hakin kara dhakhliga la qorsheeyey in ay soo xaroodaan iyo sidii xal loogu heli lahaa.
Ugu danbeyn, guddoomiye Ciise ayaa ku bogaadiyay mas’uuliyiintii kulankan ku sugnaa in ay sii labalaabaan dadaalkooda shaqo si loo gaaro miisaaniyada sannadka 2023.














