Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa shir-guddoomiyay kalfadhiga 2-aad kulankiisa 17-aad ee golaha shacabka Soomaaliya oo Ajandihiisu ahaa;
- Qaybinta warbixinta akhrinta 2-aad hindise sharciyeedka hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed.
- Qaybinta warbixinta akhrinta 2-aad hindise sharciyeedka nidaamka maaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostiisa.
Qaybinta hindise sharciyeedka akhrinta 1-aad ee kala ah:
A. Hindise sharciyeedka dhowrista maal-gashadayaasha iyo maalgashiga.
B. Hindise sharciyeedka la-dagaalanka argagixisada.
C. Hindise sharciyeedka socdaalka.
D. Hindise sharciyeedka hay’adda xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed.
E. Hindise sharciyeedka horumarinta maareynta kalluumeysiga Soomaaliyeed.
Intaasi kaddib, guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Abshirow ayaa soo xiray kulanka maanta isaga oo sheegay in sharciyadaan maanta la horkeenay golaha ka doodistooda iyo turxaan bixintooda ay noqon doonto kulankan kulanka xiga maantana ay tahay qaybin keliya.














