Guddoomiye Amiir oo ka qayb-galay Munaasabada Ansixinta Miisaaniyadda Maamulka Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
421

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho. mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ka qayb-galay munaasabadda ansixinta miisaaniyadda maamulka gobolka Banaadir ee sanadka 2025-ka, kaddib markii maanta loo soo bandhigay xubnaha kala gadisan ee maamulla gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir, mudane Ciise Maxamuud Guure oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in miisaaniyadda sanadka cusub ee 2025-ka si daah-furnaan ah looga soo shaqeeyay, isla markaana loo bandhigay qaybaha kala gadisan ee bylshada, isaga oo codsaday in la ansixiyo miisaaniyadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ku dhawaaway in miisaaniyadda cusub ee 2025 ay ansax tahay kaddib markii cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay, inkastoo shan xubnood ay diideen, halka sagaal xubnood ay ka aamuseen.

Duqa Muqdisho ayaa u mahad-celiyay hawlwadeenada xafiiska maaliyadda gobolka Banaadir sida hufanaanta leh oo ay ugu soo shaqeeyeen miisaaniyadda sanadka 2025-ka, waxa uuna xusay in miisaaniyaddan ay noqon doonto mid lagu horumariyo Caasimadda.

Ugu dambeyn, Waxa uu sheegay in qorshayaasha hortabinta u leh maamulkiisa ay ugu horreyso daah-furnaan, in shacabka gobolka Banaadir ay aaddaan doorasho qof iyo cod si ay mas’uuliyiintooda u soo doortaan, in la helo magaalo nabdoon, magaalo nadiif ah oo cagaaran, taasina lagu gaari karo isla xisaabtan iyo in bulshada fursad la siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here