Maamulka Gobolka Banaadir oo shaaciyay natiijada imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2020/2021

0
771

Munaasabad lagu shaacinayey Natiijada Imtixaanka Fasalka 8aad ee Dugsiyada Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Macamud Cimar Filish ayaa Munaasabada ka soo qeyb galay waxaana ku wehliyey Guddoomiye ku xigeenada Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee G. Banaadir, Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Maamulka Gobolka, Guddoomiyaasha Degmooyinka, Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxman Cumar Sheekh Nuur, Bahda Waxbarashada iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye Cumar Filish oo Munaasabadda Hadal ka jeediyey waxa uu Hambalyo u diray Ardayda Kaalimaha hore ka galay Imtixaanka la shaaciyey waxa uuna codeeyey inuu taageeri doono Ardayda Agoonta ah ee gaarey da’da Waxbarashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here