Maamulka G/Banaadir oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

0
75

Xoghaya Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Xiirey Ahmed Rooble ayaa maanta xarunta gobolka Banaadir ku qaabilay wafdi ay hogaamineysay kusimaha Ergayga gaarka ah QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mss Kiki Gbeho.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray arrima ay kamid yihiin Amniga, Abaaraha, Dariseenta, iyo in QM ay taageereyso war murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Wadatashiga qaranka ee u dhaxeeyay DFS, D/goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir islamarkaana uu UN-ka garab istaagi doono sidii shirarka soo socda ee Wadatashiga Qaranka diirada loogu saari lahaa Maqaamka Muqdisho.

Waxaa sidoo kale la isku afgartay in xafiiska QM ee Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siiyaan horumarinta Haweenka Gobolka Banaadir oo laf-dhabar u ah Amniga dalka iyo horumarka Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here