Guddiga Golaha Shacabka u qaabisan arrimaha diinta, cadaalada iyo awqaafta ayaa shaaaciyay in shirkadaha adeegga xajka ee sanadkaan ku tartamay loosoo xulay si cadaalad ah oo ay ku dheehan tahay kalsooni.
Guddigan ka socday labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa xusay in muddo 24 maalmood ah ay wadeen kormeer ku aadan qaabka loo xulayo shirkadaha qaabilsan adeegga xujeyda ee sanadkan.
Sidoo kale, Guddiga Baarlamaanka ayaa u mahad-celiyeen Guddigga Wasaaradda Awqaafta ee loo xilsaaray tartanka shirkadaha adeega xajka sanadka 1444/2023, kuwaas oo xalay soo gabagabeeyay hawshii loo xil-saaray.
Dhanka kale, Xildhibaanada ayaa ku amaaanay maamulka wasaaradda Awqaafta dadaalka ay u galeen xulista shirkadaha daabula xujeyda, waxa ayna ugu baaqeen hay’adaha dowladda in ay ku dhiirradaan talaabadaas daah-furnaanta ah ee ay qaadeen maamulka wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Federaalka Somalia.
Ugu dambeyn, Guddigga xulista ee tartanka adeega xajka sanadkan, ayaa ka warbixiyay hawlihii u qabsoomay intii uu socday tartansiinta shirkadaha daneynayay u adeegida xujeyda Soomaliyeed ee sanadkan gudanaya waajibka xajka.