Madaxweynaha Somalia oo Xoogga Saaraya sidii QM ay Cunno-qabateynta hubka uga qaadi lahayd Soomaaliya: SAWIRRO

0
218

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelaya Fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa gaaray magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey isaga oo la wadaagaya dalalka xubnaha ka ah golaha xaaladda amniga Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka argagixisada Alshabaab, waxa uuna Madaxweynuhu xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga qaadi ahaa cunaqabateynta hubka, isla markaana taageero ballaaran oo caalami ah loogu heli lahaa wajigaa 2-aad ee dagaalka dalka lagaga sifeynayo argagixisada Alshabaab.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa kulammo la qaadanaya masuuliyiinta dalka Maraykanka iyo madaxda Hay’adaha caalamiga ah, waxa uuna xoogga saaraya sidii loogu heli lahaa taageero caalami ah dadaalka dowlada ay ku bixineyso xasilinta deegaanada laga xoreeyay argagixisada iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here