Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sh. Maxamuud oo ka qaybgalay shirka maalgashiga Somalia iyo Sucuudi Careebiya ayaa uga warbixiyay fursadaha ballaaran ee maalgashiga Soomaaliya.
Madaxweynaha oo dul-istaagay muhiimada goobta istiraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu iyo kororka joogtada ee dadka Soomaaliyeed ee horumarka ka sameynaya ganacsiga caalamiga ah ayaa tilmaamay in iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga Soomaaliya iyo Sucuudiga ay mudnaan gaar ah siinayaan, dowladduna ay diyaarisay sharciyo dhaqan-gal ah oo loo marayo hannaanka maal-gashiga dalka.













