AKHRISO: Qodobadii ka soo baxay Guddiga ka Hortagga Lacag Dhaqidda iyo Maalgelinta Argagaxisada: MUUQAAL

0
404

Guddiga la-dagaalanka lacag dhaqidda iyo ka hortagga maalgelinta argagaxisad ayaa soo saaray go’aanno ka dhan ah Khawaarijta, iyaga oo raad-raacaya jiheynta madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Guddigu waxa uu soo qaasay qodobbadan hoos ku qoran:

1. Guddigu waxa uu muwaadiniinta Soomaliyeed ku wargalinayaa in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo caawin karta khawaarijta, gaar ahaan dambiyada lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada. Lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada waa dambiyo waaweyn si waafaqsan qodobbada 2-aad iyo 3-aad ee sharciga ka hortagga lacag dhagidda iyo maalgelinta argagixisada.

2. Dhammaan shirakadaha, dadka ka ganacsada dhulalka iyo dhismayaasha waa inay iska diiwaan-geliyaan, isla markaana ogolaansho ka haystaan wasaaradaha iyo hay’adaha ku shaqada leh, iskuna diiwaan-geliyaan muddo sadex (3) isbuuc gudahood ah oo ka billaabanaysa maanta oo taarikhda tahay 11/02/2023. Ciddii aan isku diwaan-gelin muddadaas, waxaa lagu qaadayaa ciqaabaha ku xusan qodobada 28-aad iyo 29-aad ee sharciga ka hortagidda lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada iyo qodobka 332-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed oo kala ah:

A. Xabsi ciqaabeed
B. Ganaax lacageed
C. Xayiraad safar
D. Kala nogosho shati ganacsi
E. In la isugu daro dhammaan ciqaabaha kor ku xusan.

3. Dhammaan shirkadaha kala duwan ee ka shaqeeya adeegyada lacagaha, caymiska iyo sariflayaasha lacagaha qalaad, waxaa la farayaa in ay isku diiwaaan-geliyaan 30 cisho gudahood, iyadoo tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo aan diiwaan-gashaneyn.

4. Guddigu waxa uu farayaa hay’adaha maaliyadeed, (Bankiyada, Xawaaladaha & Shirkadaha bixiya adeegyada lacagaha mobile-lada) inay kusoo gudbiyaan warbixinnada ay warsadaan hay’adaha ku shaqada leh sida FRC iyo xafiiska xeer-ilaaliyaha guud muddo 24 saac guddahood. Ciddii kusoo gudbin weyda warbixinnada muddadaas waxaa laga qaadayaa tallaabooyinka ku cad sharciga ka hortagga lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.

5. Dhammaan qareennada iyo nootaayooyinka, shirkadaha iyo dadka ka ganacsada dhulalka iyo dhismayaasha (real estate companies, real estate agents), macadanta iyo dhagaxyada qaaliga ah waa in ay FRC uga warbixiyaan dhammaan dhaqdhaqaaqyada looga shakiyay inay xiriir la leeyihin Khawaarijta si degdeg ah, si waafaqsan qodobada 5-aad iyo I14-aad ee sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.

6. Bangiyada, Xawaaladaha iyo Shirkadaha adeegyada lacagaha mobile-lada aan shati ka haysan Bangiga Dhexe, waxa lala tiigsan doona sharciga hay’adaha maaliyadda 2012, iyadoo dabagal iyo baaritaan dheeraad ah lagu sameynayo dhammaan hay’adaha maaliyadeed ee gaarka loo leeyahay.

7. Dhammaan shirkadaha isgaarsiinta iyo adeegyada lacagaha mobile-lada (mobile money service providers) waxa la farayaa in ay diiwaangeliyaan macaamiishooda cusub, ugu yaraanna waa in sawir iyo faraha laga hayo macmiil kasta oo loo furayo Sim-kaar cusub. Kuwa horay u qaatay Sim-kaarrada waa in dib loo diiwaangeliyo muddo aan ka badnayn 90 cisho gudahood si waafaqsan qodobka 5-aad sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.

8. Dhammaan shirkadaha adeegyada lacagaha mobile-lada (Mobile Money Providers) waa in ay dhaqdhaqaaqyada maalinlaha ah ee macaamiisha uusan ka badnaan karin USD $300 (Sedex boqol oo doollar) ciddii fulin weydana lala tiigsan doono sharciga.

9. Dhammaan shirkadaha ganacsiga iyo adeegyada ganacsiyadda yar yar ee dalka, waa in ay iska diiwaan-geliyaan Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ay shaqadooda khuseyso muddo 60 cisho guddahood ah. Ciddii is-diiwaangelin weyda ama la arko iyadoo ganacsi aan diiwaan-gashaneyn ku jirta, waxaa la horgeynayaa maxkamadda awoodda u leh.

10. Dowladdu waxaa ay la wareegeysaa si waafagsan sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada, hanti kasta oo lala xiririyo Khawaarijta, isla markaana xayiraad safar ayay kusoo rogeysaa cid kasta oo xiriir la leh lacag dhaqista ama maalgelinta Khawaarijta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here