Duqa Magaalada Muqdisho Oo hambalyo ku aaddan Munaasabada ciidul-Adxa u diray dhammaan ummadda soomaaliyeed gaar ahaan dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir iyo caasimadda Muqdisho.

0
1050

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa munaasabadda ciiddul adxaa awgeed hambalyo u diray dhammaan ummadda Islaamka iyo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka ku nool Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho waxa uu kula dardaarmay shacabka Magaalada Muqdisho in ay is cafiyaan si Eebbe noogu wada naxariisto.

Guddoomiye Cumar ayaa ugu danbeyntii shacabka Gobolka Banaadir ka codsaday iney isku gargaaraan lana fiiriyo dadka tabaaleysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here