Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulan kula qaatay Xafiiska Amniga Qaranka, hey’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir, kaasoo looga hadlay sugidda amniga caasimadda dalka ee Muqdisho.
Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Madaale, guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Yabooh, madaxda Booliiska, Nabadsugidda, Gobolka Banaadir iyo Xafiiska Amniga Qaranka ayaa waxaa lagu bandhigay hannaanka loo marayi sugidda amniga caasimadda Muqdisho, gaar ahaan xilligan lagu jiro bisha barakaysan oo Khawaarijtu ay caadeysteen inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya iyo sidii guud ahaan ammaanka loo adkeyn lahaa.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa faray mas’uuliyiinta in hay’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir looga baahan yahay inay la yimaadaan feejignaan dheeri ah – si Khawaarijtu aanay fursad ugu helin dhibaateynta shacabka bishan cibaadada Alle ku jira.

















