Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyo hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug

0
285

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, iyadoo halkaas si wayn loogu soo dhaweeyay.

Mudane Xasan Sheekh ayaa dadka reer Xarardheere, ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ku dhiirri-geliyey jihaadka ay Khawaarijta uga xoreynayaan dalka.

Hoggaamiyaha dowalad goboleedka Galmudug, wasiirka gaashaandhigga, wasiirka arrimaha gudaha iyo mas’uuliyiin kale ayaa qayb ka ah socdaalka madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku gaaray magaalada Xarardheere.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here